XOGMUHIIM AH”;Maxkamadda Racfaan ee Gobolka Banaadir o Dib u Fureysa Kiiska C/raxmaan C/shakuur

0
54

 

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Racfaan ee Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dib loo furayo kiiska Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyadoo muddo u qabatay dhageysiga dacwada loo heysto.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka hor-yimid go’aanka Maxkamadda Gobolka banaadir ay ku sii deysay, isla markaana ku caddeysay in aan wax racfaan ah laga qaadan karin, hase ahaatee Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku adkeystay inuu racfaan ka qaato xukunkaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaan Gobolka Banaadir ayaa soo saaray warqad qoraal ah oo uu u diray Qareenada u dooday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kuna wargeliyay in 27 bisha December oo ku beegan maalinta berri bilaaban doonto dhageysiga dacwada loo heysto.

Sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan dhageysiga dacwada, saacadu marka ay tahay 10-ka subaxnimo.