Maxaa ka jira in Duqii hore ee Muqdisho loo magacaabayo Taliyaha cusub ee Nabad Sugida Qaranka?

0
5

Waxaa saacadihii ugu dambeeyey isa soo tarayey warar sheegaya in taliye cusub loo magacaabayo taliska nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ka dib markii dhowaan xilkaas laga qaaday taliyihii hore Sanbaloolshe.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan waxaa si weyn loo hadal hayaa in xilka taliyaha cusub ee Nabad sugida loo magacaabayo duqii hore ee Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab).

Sidoo kale, Mungaab ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Jen. Mungaab la filayo in magacaabidiisa looga dhawaaqo  shirka golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee maalinta beri ah ka dhacaya Muqdisho sida qorshuhu yahay inkastoo ay dhici karto in isbedel uu ku yimaado.

Magacaabida Mungaab ee xilka taliyaha nabad sugida iyo wararka la xiriira ayaa si weyn u soo xoogeysanayey saacadihii ugu dambeeyey inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin inuu yahay qofka xilkan loo magacaabi doono.

Xilka taliyaha ciidanka Nabad sugida Somalia ayaa banaan ku dhowaad muddo bil ah, waxaana si kmg ah u sii haya taliye ku-xigeenka nabad sugida, iyadoo buuxinta xilkan uu yahay mid muhiim ah maadaama heyaddan ay howlo culus ka heyso dhinaca sugida amaanka.