(Akhriso “;C/raxmaan C/shakuur oo wakiilnimadii kala laabtay Qareenadiisa & dhegeysiga dacwadiisa oo dib loo dhigay

0
40

Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir ayaa maanta dhageysatay eedeymaha loo heysto Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warasme oo ay soo diyaarisay Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka.

Dacwad oogayaasha ayaa maanta Maxkamadda Racfaanka hor geeyay cadeymo la xariira dambiyada lagu soo oogay C/raxmaan ayna soo gudbiyeen wixii warbixin ah oo ku aadan kiiskan.

Dhinaca kale, C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka ka maqnaa Maxkamadda laga sugayay ayaa soo dirsaday Qareenkiisa Abukaate Tahliil Xaaji oo wakiil ka ahaa.

Balse Maxkamadda ayaa diiday Qareenka C/raxmaan C/shakuur oo ay sheegtay in uusan wadan Warqad wakiilasho ah oo ka timid eedeysane C/raxmaan C/Shakuur Warsame uusan difaaci Karin taas la’aanteed.

Sababta Maqnaanshaha iyo Wakiil la’aanta C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaan la ogeyn, balse warar qaar ayaa sheegaya in uusan ku qanacsaneyn dib u furida kiisan maadaama ay Maxkamadda G/Banaadir hore u sheegtay in aysan Xeer-ilaalinta Qaranka qaadan karin Racfaan.

Khabiiro ku xeel dheer Qaanuunka ayaa sheegaya in Maxkamadda G/Banaadir ay ku qaldaneyd go’aankii ahaa inaan racfaan laga qaadan karin dacwadda C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Dhinaca kale, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo gaarsiiyey Maxkamada racfaanka ku sheegay inuu wakiilnimadii kala noqday qareenadii u doodayey, waxaana ka dib maxkamadu soo saartay warqad kale oo ay muddo cusub ugu qabatay dhegeysiga dacwadan oo la isugu laaban doono 3-da bisha Janaayo ee sanadka cusub oo ku aadan arbacada soo socota.