XOG: Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan xil ka qaadis ballaaran sameyn doona (Xagee?)

0
43
XOGMUHIIM AH”;Maxkamadda Racfaan ee Gobolka Banaadir o Dib u Fureysa Kiiska C/raxmaan C/shakuur Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Racfaan ee Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dib loo furayo kiiska Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyadoo muddo u qabatay dhageysiga dacwada loo heysto. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka hor-yimid go’aanka Maxkamadda Gobolka banaadir ay ku sii deysay, isla markaana ku caddeysay in aan wax racfaan ah laga qaadan karin, hase ahaatee Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku adkeystay inuu racfaan ka qaato xukunkaas. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaan Gobolka Banaadir ayaa soo saaray warqad qoraal ah oo uu u diray Qareenada u dooday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kuna wargeliyay in 27 bisha December oo ku beegan maalinta berri bilaaban doonto dhageysiga dacwada loo heysto. Sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan dhageysiga dacwada, saacadu marka ay tahay 10-ka subaxnimo.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhawaan waxa uu damacsan yahay in xil ka qaadis ballaaran uu sameeyo, taasi oo noqon doonta tii ugu ballaarneyd ebed.

Farmaajo ayaa xilka ka qaadi doona sida qorsha yahay dhammaan agaasimayaasha wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya ee joogtada ah, waxaana la diyaarinayaa shaqsiyaadkii lagu bedali lahaa.

Waxay saameyn doontaa arrintani agaasimayaal badan oo muddo joogay, waxayna noqon doontaa xil ka qaadistii ugu ballaarneyd ee uu madaxweynaha sameeyo.

Ilo lagu kalsoon yahay waxay inoo sheegeen in maalmaha soo aadan ay arrintani dhici doonto.

Khamiistii lasoo dhaafay, wuxuu Farmaajo xil ka qaadis ku sameeyey dhammaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida, kuwo cusub ayaana lagu bedalay.